Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dabdemiska oo ka Hadlay Guri ku Gubtay Degmada Gacan-libaax

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Dabdemiska oo ka Hadlay Guri ku Gubtay Degmada Gacan-libaax
IMG-20230922-WA0012.jpg
IMG-20230922-WA0013.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawl-galay daminta guri ku gubtay degmada gacan libaax, sidoo kale ciidamada ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab qabsaday meherad ku taala degmada 26 June.

Guriga ayaa ka koobnaa Lix Qol waxaana Ciidamadu dabkaa ku joojiyeen qolkii uu ka bilaabmay, dhinaca kale ciidamada ayaa badbaadiyay Alaabtii taalay meherada dabku qabsaday.
guud ahaan hawl-galadan ayaa ciidamada Dabdemisku ku guuleysteen, ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawl-galkaa yimi.

Hadaba ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay meheradaha iyo guryaha dhigtaan haamaha yar yar ee dabka lagu damiyo, sidoo kalena dabka ay u soo sheegaan ciidamada Dabdemiska intuu yaryahay.

Muwaadin soo wac lambarka gurmadka 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba heegan baa laguu yahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this