Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Senator Dhegdheer oo hal arrin ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhagdheer.jpeg?fit=1745%2C1236&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo ka mid ahaa masuuliyiin uu xalay Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay kulan casho ah ayaa madaxweynaha ka dalbaday in dadka la doonayo inay dagaalka hoggaamiyaan uu shaqada u qeybiyo.

“Madaxweyne shaqada qeybi oo qolo kasta howl gaar ah u xil saar, maanta oo kale waxay joogtaa markii la dhihi jira ‘yaa maali jiray’ dadka deegaanka ayaa ugu horeeya waxa Shabaab la diriri kara, marka waxaan ku guuleysa karnaa anaga oo is garabsana,” ayuu yiri Dhegdheer.

Sidoo kale Senatorka ayaaMadaxweynaha kula taliyey inuu u yeero cid kasta oo wax ku biiri karta dagaalka Shabaab, isla markaana Dhuusamareeb loo soo raro dhamaan hey’adaha muhiimka u ah dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan Madaxweyne talo kuugu soo jeedinaa halkaan ugu yeer qof kasta, reer Galmudug hadaa nahay guryaha bilaash ayaan ku deji doonaa, guddoonka baarlamaanka halkaan hasoo dego, dagaalkaan qabali ayuu ku socdaa lama qarin karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Dhegdheer.

Senator Dhegdheer wuxuu sheegay in 15 sano ay deegaanadiisii Shabaab heystaan, hadana beelihii iska xoreeyey Shabaab ay ku fiirsanayaan, isagoo dalbaday in taas laga yimaado.

“Waa baaba’nay anaga, marka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadkiisa ma ahan inay na dhahaan deegaankiina xoreysta, wax aan xoreysa karno malahane na hor kaca ama ugu yaraan idinku deegaankiina nagu difaacda,” ayuu yiri Dhegdheer.

Sidoo kale Dhegdheer wuxuu ku doodayaa in weli dadku ay siyaasadeynayaan dagaalka ama arrimo kale ay mararka qaar ku soo dhex derayaan, isagoo ku taliyey in horta Shabaab meel la iska saaro oo markaas kadib loo soo jeesto arrimaha kale ee siyaasadda.

“Mushkilada na heysata indhaheenu mahayaan, waa inaan u soo jeesano dagaalka Shabaab, sanadaha u dhiman dowladaan hadaan Shabaab laga adkaan, dadka banaanka u fadhiya inay Xasan Sheekh kursiga kala wareegaan, taas waxaan leenahay taasi ma dhici doonto, hadii hadda aadnaan dalka wax ka xoreysan,” ayuu yiri Dhegdheer.

Ugu dambeyntii Senator Dhegdheer ayaa madaxweynaha u xaqiijiyey inay garab taagan yihiin, isagoo sheegay inay hadda u baahan yihiin inay ku shahidaan dagaalkaan, “Dagaalkaan waa in wax kasta lagu dayaa, dadka anigaa ugu fuleysanaa waana imaaday markii dagaalka la dhaqaaji waayey,” ayuu yiri Dhegdheer.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Senator Dhegdheer oo hal arrin ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this