Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maraykanka oo New York

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695398501494.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maraykanka oo New York appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this