Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Dhuusamareeb oo Looga Shiray Dhameystirka Dagaalka Lagula Jiro Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadajir ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dardar galinta dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ka siiyay guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dalka guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka Al-shabaab oo bilooyinkii lasoo dhaafay si dardar leh uga socday deegaanada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, isaga oo soo bandhigay sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo midoobo sidii waqti kooban looga saari lahaa deegaanada ay wali kaga sugan yihiin dalka.

Dhankooda, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo Dhuusamareeb u yimid dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo garab istaagga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadanayaan dagaalka Al-shabaab ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay doorkiisa hoggaamineed iyo sida uu muhiimadda koowaad uga dhigay la dagaalanka Al-shabaab , iyaga oo xusay in ay si buuxda u garab taaganyihiin ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee u taagan dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee looga saarayo dalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this