Juje Posted August 11, 2009 Madaxweyne Faroole oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug Talaado, August 11, 2009(HOL): Guddoomiyihii gobolka Mudug C/nuur Maxamed Geesay ayaa waxaa maanta xilikii guddoomiyenimo ka qaaday madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Waxaana xilika-qaadistaasi ay ahayd mid uu madaxweynuhu warqad digreeto ah xilka uga qaaday markii ay warqaddaasi u timidna guddoomiyuhu waxaa uu Hotelka Kamaaluddiin ee ku yaala magaaladaasi ku qabtay shir jaraa'id oouu kaga war bixiyay waxa keenay xilka in laga qaado iyo in uu lug ku lahaa dilkii wasiirkii warfaafinta maamulgoboleedka Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannaanka). Waxa uuna guddoomiyuhu sheegay mar uu halkaasi kula hadlayay saxaafadda oo su'aalo weydiinaysay in eeddan xilka looga qaaday u baahan yahay in la horkeeno maxkamad arintaasi caddaysa uuna u qabsanayo abuukaate. Mar waxa laga waydiiyay innaba in uu arinkaasi wax lug ah ku lee yahay ayuu waxa uu ku jawaabay. ''Anigu waxaan aad u jecelaa ammmaanka magaalada Gaalkacayo, igamana suurtowdo in aan ka bilaabo qas magaalada aniga oo mas’uul ka ah shacabka gobolkan'' sidaas waxa yiri guddoomiyihii gobolka Mudug C/nuur Maxamed Geesay. Xil ka qaadista guddoomiyaha ayaa timid, kaddib markii dadka dagan magaalada Gaalkacyo ay maalmahan isla dhexqaadayeen in uu guddoomiyuhu ka danbeeyay dilkii wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannaanka). oo ay niman hubaysan ku toogteen bartamaha magaaladaasi dhawaan. Maxamed Cali Royter maxamedroyter@hotmai l.com Boosaaso, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites