Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF iyo Midowga Yurub oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
382075267_669963771899439_55821649187846

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday waxa ay soo bandhigtay guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan ciidamada xoogga dalka, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaalaha.

Waxa uuna uga mahad-celiyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd, taasi oo ay door muhiim ah ka qaateen.

Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa sidoo kale tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardar-gelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya.

Waxay carabka ku adkeysay in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika.

Si kastaba, Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawl-gelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro.

382075267_669963771899439_55821649187846

380715047_669968325232317_15446767206855

380718840_669963781899438_20922652909077

380740859_669963845232765_60739922671483

380694087_669968381898978_91964544471645

380713861_669968431898973_72930005777225

380744149_669968358565647_24553105310719

380724634_669968351898981_69359475091366

382075269_669963825232767_76505727965856

380726558_669968318565651_31977266731643

380718315_669968395232310_25507249465776

The post Sawirro: DF iyo Midowga Yurub oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this