Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan oo Dhuusamareeb ka dhisaya isbaheysiga 4 beelood oo Hawiye ah

Recommended Posts

Deeq A.   
350102716_777034380495805_64361108249818

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb ka hoggaaminaya qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay isugu yeeray siyaasiyiinta afar ka mid ah beelaha Mogadishu Clan.

Xildhibaanada iyo saraakiisha beelaha Murusade, Cayr, Duduble iyo Xawaadle ayuu Xasan Sheekh ku kulmiyey Dhuusamareeb, isagoo xalay kulan casho ah u sameeyey.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta siyaasiyiintaas kulan gaar ah kula yeeshay madaxtooyada uu Dhuusamareeb ka degan yahay ee Galmudug, waxaana socda qorshe beelahaas loogu sameynayo isbaheysi cusub.

Kooxda Al-Shabaab oo Galgaduud ka joogta deegaanada bari oo Ceelbuur ugu horeyso ayaa loo midoobayaa, wuxuuna madaxweynuhu wadaa qorshe ah in afartaas beelood ay dagaalka u midoobaan oo wada galaan.

Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ee Shabaab heysto waxaa dega beelaha beelaha Murusade iyo Duduble oo hadda kala deegaan saday Dhuusamareeb iyo Maxaas, iyagoo kala magansaday Xawaadle iyo Cayr.

Hadda waxaa la doonayaa in la mideeyo awooda afartaas beelood, si looga guul keeno dagaalka Al-Shabaab, isla markaana loo xoreeyo deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud oo kooxdu ay ku xoogan tahay.

Xildhibaan Sanbaloolshe, Cali Jeyte iyo xildhibaano kale oo ka socda beesha Xawaadle oo wata gaadiid dagaal oo aad u badan ayaa safar dhulka ah ku yimid Dhuusamareeb oo is baheysigaan uu ka bilaabanayo.

Sidoo kale Senator Dhagdheer iyo siyaasiyiin kale ayaa ka socda beesha Murusade, halka siyaasiyiinta Duduble oo Senator Dhegey uu hoggaaminayo ay horay u joogeen Dhuusamareeb, kulankaan Cayr waxaa ku metelaya dhamaan xildhibaanada iyo Senatorka beeshaas.

In la sameeyo isbaheysigaan waxay Madaxweynaha iyo beelahaan kale ku dhalatay markii uu guuleystay isbaheysi ay koonfurta gobolka Mudug ku xoreysteen beelaha Sacad, Saleebaan, Saruur iyo Surre, kuwaas oo dhul aad u baaxad weyn ka xoreystay kooxda maalmo kooban gudahood.

 

The post Xog: Xasan oo Dhuusamareeb ka dhisaya isbaheysiga 4 beelood oo Mogadishu Clan ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this