Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo xabsiga dhigay sarkaal u basaasayey dowladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
10050000-0aff-0242-64d5-08da5ac362ae_w40

Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu yahay Itoobiya.

Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa xabsiga la dhigay waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda.

Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray in uu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha maanta ah.

Bayaanka ay ku sheegtay xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya.

Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo xabsiga dhigay sarkaal u basaasayey dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this