Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Ukraine ku caawinaya kaalmo millatari oo ku kacaysa $128 milyan

Recommended Posts

Deeq A.   
muk.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadiisii labaad ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, tan iyo markii ciidamada Ruushka ay duullaan ballaaran ku qaadeen dalka Ukrine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo  Khamiistii isaga iyo golahiisa wasiirada la kulmay Madaxweynaha Ukrine ayaa ku dhawaaqay  ama iftiimiyay kaalmo cusub oo militari, oo ku kacaysa $128milyan.

Kaalmada mileteri ee uu hadda bixiyay mareykanka madaafiic badan, rasaas badan, hub badan iyo taangiyada Abraham oo Toddobaadka soo socda, la xaqiijiyay in  Maraykanka uu geyn doonaa Ukraine.”

Madaxweynaha Ukrine Volodymyr Zelenskyy ayaa u mahadceliyay madaxda Mareykanka oo garab istaagay dalkaasi mudada 575-ta maalmood ee ay ku iraan dagaalka tan iyo markii uu Ruushku uu ku  duulay dalkaasi sanadkii 2022.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Ukraine ku caawinaya kaalmo millatari oo ku kacaysa $128 milyan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this