Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shabaabka gobolka Mudug oo la hareereeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka-1-scaled.jpeg?fit=256

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in hawlgalka ka socda gobolkaasi uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee lagu soo geba-gabeynayo joogitaankii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maleeshiyada ka saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen gobolkaasi, haatana ay ku harsan yihiin deegaano faro ku tiris ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii qabtay deegaanka Bacaadweyne iyo kuwii kale ee la wareegay deegaanka Cammaara ee isugu tegay Cammaara ay hadda cagta saareen waddada aadda deegaanka Caad. Caad waa deegaanka ugu muhiimsan ee xilligan Shabaabka uga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi, marka laga soo taggo deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xarardheere.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamada ku wajahan Caad ay la hawlgalayaan ciidamo kale oo ka soo socda dhinaca Xarardheere, iyadoona la doonayo in labada ciidan ay meel dhexe isugu yimaadaan, isla-markaana ay isku furaan waddada.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada ka ruqaansaday Xarardheere ay tahay inay la wareegaan deegaanada Dhalwo iyo Jowle, kuwa kale ee ku socda Caad-na ay tahay inay qabtaan deegaanada Eryaal iyo Miiroon.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ku sii gurguuranayaan deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo, waana wejigii ugu dambeeyay ee gulufka ballaaran ee lagu soo afjarayo maleeshiyada Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay jareen waddooyinka gala deegaanada ay Shabaabku ku sugan yihiin, islamarkaana ay deegaanadaasi ka go’doomiyeen gobolka intiisa kale.

Ilo wareedyadu waxa kaloo ay sheegayaan inaanay jirin cid u gudbi karta goobahaasi iyo cid kaloo hubeysan oo ka soo bixi karta, Shabaabkana ay u furan tahay inay isa soo dhiibaan amaba inay dhintaan, iyagoo dagaalamaya.

Xogta ayaa sheegeysa in Shabaabka ay u furan tahay hal waddo, waana waddada wareegga ee Caad illaa Jowle ee tagto Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada hareereeyay deegaanadaasi ayaa waxaa dhanka cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, oo door muhiim ah ka ciyaaraya istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu Gobolka Mudug noqon doono, gobolkii ugu horreyay ee si dhameystiran looga saaro Al Shabaab.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ciidamada ay intaasi ka dib u gudbi doonaan dhanka Gobolka Galgaduud, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in Shabaabka looga kiciyo gobolkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku foogan dagaalkan ay tahay in lagu wiiqo Al-Shabaab ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo hawlgalada.

Madaxweynaha ayaa la tilmaamay in waqtigiisa uu iminka ku bixinayo isku dubaridka iyo dardargelinta hawlgalka militari ay ciidamadu ka wadaan bartamaa dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay ka adkaan doonto Shabaabka, kadib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

The post Xog: Shabaabka gobolka Mudug oo la hareereeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this