Sign in to follow this  
Deeq A.

Cosoble oo warqad furan u diray Xasan: “Hawiye iyo Shabaab si fiican umaad dersin”

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa warqad furan oo la xiriirta dagaalka kooxda Al-Shabaab u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cosoble ayaa marka hore waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu aaminsan yahay in madaxweynaha ay ka go’an tahay cirib-tirka Al-Shabaab, hase yeeshe uusan si fiican u dersin beelwaynta Mogadishu Clan iyo kooxda dagaalka lagula jiro, sida uu sheegay.

“Beelaha waaweyn ee Mogadishu Clan marka laga reebo beesha Xawaadle, waa hore ayey soo faarujiyeen degaannadooda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Wexey xoogooda ku sugan yihiin Gobolka Banadir. Saddexda malyan ee la yirahdo Muqdisho ayey ku nooshahay 80% waa HG, AB iyo MR,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cosoble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha oo haatan hoggaaminta dagaalka xarun uga dhigtay Dhuusamareeb ay kooxda Al Shabaab uga xog ogaalsan tahay dabeecadaha ciidanka iyo ciladaha jira ee tahay inuu fahmo madaxweynaha.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Ku: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Mudane Madaxweyne waxaan aaminsanahay iney kaa go’an tahay inaad dalka ka sifeyso Al Shabab, balse waxaa ii muuqata inaadan Mogadishu Clan iyo Al Shabab si fiican u dersin.

Marka aan soo qaato Mogadishu Clan, waxaa jira laba cillad ah oo u baahan in la fahmo:

1) Beelaha waaweyn ee Mogadishu Clan marka laga reebo beesha Xawaadle, waa hore ayey soo faarujiyeen degaannadooda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Wexey xoogooda ku sugan yihiin Gobolka Banadir. Saddexda malyan ee la yirahdo Muqdisho ayey ku nooshahay 80% waa HG, AB iyo MR.

Reerahan wexey soo naqraaceen barwaaqada ama dhaqaalaha yaalla Xamar, waana sababta marka degaan la xoreeyo loo weynayo shacabkii degaanka.

Haddaad xasuusato beryihii ay dagaallada ka socdeen carriga Xawaadle waxaa baraha bulshada lagu arkayay Macawiisley habqan ah oo kumanaan ah oo tuulo kasta dagaal ka wada, halka hadda dagaalada ka socda Galgaduud iyo Sh/Dhexe la arkayo tirooyin aad u yar oo macawisley ah una badan dad waaweyn iyo ciidanka Xogga Dalka.

2) Cilladda labaad wexey tahay Madaxweyne iney Al Shabaab kaaga xog ogaalsan yihiin dabeecadaha ciidanka. Wexey ogyihiin iney saraakiisha ka soo jeeda degaannadaa u badan yihiin dad hantiileyaal ah oo Xamar nolol fiican ku heysta, dagaalka ay galayaanna wexey ku rabaan dallacaad.

Nin dallacaad raadis ah maa raba inow dagaalka ku dhinto? Nin waxoogaa nolol ah ku heysta Xamar maa raba dhimasho? Ma waxey kula tahay ineysan Shabaab intaa fahamsaneyn? Wey fahamsan yihiin, marka la soo aadana wey banneeyaan aagga, kuweenana markey degaanka la wareegaan habeen ama labana joogaan wexey abuuraan mu’aamarado ay uga soo baxaan aaggii la qabtay.

Madaxweyne waxaan rajeynayaa inaad fahamto cilladaha ku gadaaman dagaalka dib u xoreynta gobollada dhexe.

Allah na guuleeyo.

The post Cosoble oo warqad furan u diray Xasan: “Mogadishu Clan iyo Shabaab si fiican umaad dersin” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this