Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695327666102.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Kalluumeysiga dowladda Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa shaqa joojin ku sameeyay agaasimaha guud ee wasaaraddaas.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa shaqada lagaga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga Sharma’arke Yaasiin Cali.

Warqadda shaqa joojinta ayaa lagu caddeeyay in agaasime Sharma’arke Yaasiin uu sameeyay amar diido aan sharciga waafaqsanayn taas oo lumisay kala danbayntii wasaaradda.

Warar madax bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in khilaaf xooggan oo ka dhex taagan wasiirka iyo agaasimaha uu sababay shaqa-joojinta.

FB_IMG_1695327661242.jpg?resize=720%2C91

PUNTLAND POST

The post Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this