Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo bogaadiyay go’aamadii beesha Habar-jeclo, baaqna ka soo saaray xaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha xilka Safiirka Safaaradda Somalia ee Maraykanka oo booqasho maanta ku yimid Hargeysa, ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Somaliland, Mucaaridka, iyo ururrada Bulshada rayidka ah.

Safiirka ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Somaliland, arrinta Laascaanood sidii wada-hadal xalka loogu raadin lahaa.

Sidoo kale Maraykanku wuxuu bogaadiyay Go’aankii odayaasha dhaqanku kasoo saareen Khilaafkii siyaasaddeed ee Somaliland.

Dawladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay dhiiri gelinayaan in la fuliyo oo la meel mariyo heshiiskii siyaasaddeed ee Beesha Bariga Burco, oo ay sheegeen inuu ahaa talaabo loo qaaday dhinaca doorashooyinka.

FB_IMG_1695324453349.jpgMo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this