Jacaylbaro Posted January 3, 2008 Abaara 10:15Am saacada Somalia ayaa waxaa dagaal aad ukulul ka bilowday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia dagaalkaas oo udhexeeya Ciidamada Nidaamkii Mogadishu mudada yar ka talin jiray ee midowga maxaakiimta islaamiga Somalia iyo kuwa dowlada federaalka .. Ciidamada dowlada Somalia ayaa weerar saaka ku qaaday ciidamo taabacsan Maxaakiimta islaamiga Somalia kuwaas oo beryahanba isku ururusanayey gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Cadaado, dagaalka oo ka bilowday bartamaha magaalada Cadaado ayaa markii danbe u siqay dhanka iyo deegaanka galinsoor .. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in bilowgii dagaalka laga awood roonaaday ciidamada dowlada balse markii danbe gurmad farabadan oo soo gaadhay dhanka dowlada ayaa usuura geliyey inay dagaalka sii wadaan ,dagaalka ayaa hada ka socda meesha lagu magacaabo bali-higis oo masaafo yar u jirta magaalada cadaado. halkaas oo ay usoo gurteen ciidamada dowlada federaalku.. Dagaalka ayaa wali sacda lamana oga ilaa hada khasaaraha uu sababay dagaalkaasi , waa markii ugu horaysay ee dagaal noocaan oo kale ah ay ciidamada maxaakiimta islaamiga Somalia ay kala horyimaadaan ciidamada dowlada tan iyo markii looga awood roonaaday dagaaladii K/Somalia ku dhexmaray maxaakiimta iyo dowlada Federaalka oo ay taageerayaan xoogaga Ethiopia.. Afnugaal News Disk Quote Share this post Link to post Share on other sites