Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Socdaal Danjirahoodu Ku Yimi Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka oo War ka soo Saaray Socdaal Danjirahoodu ku Yimi Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Sii haya Safaarada Maraykanka ee Muqdisho, Shane Dixon ayaa soo gabogabeeyay socdaal uu ku tagay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

War ka soo baxay Safaarada Maraykanka, ayaa lagu sheegay in danjire Shane Dixon uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, saraakiil ka socotay Ururrada bulshada rayidka ah, xisbiyada WADDANI iyo UCID iyo masuuliyiin ka tirsan Ururrada siyaasadda.

Maraykanku waxa ay sheegeen in safiirku masuuliyiinta ay is arkeen kala hadlay nabadgelyada mandaqada, xuquuqda Aadanaha, ka qaybgalka shacbiga, ahmiyadda qabashada nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland.

Warka wuxuu intaas ku daray in Maraykanku dhiirigeliyay hirgelinta heshiiskii siyaasadeed ee ay soo jeediyeen madaxda dhaqanku oo loo taabo-geliyo si togan oo loogu qabto doorashooyinka.

Mr. Dixon wuxuu xoojiyay baahida loo qabo in la dejiyo xiisada Laascaanood, iyadoo loo marayo dariiq wadahadal ku sallaysan.

“Wada-hadallo furan iyo u heellanaanta nidaamka dimuqraadiyadda ayaa muhiim u ah bulsho nabdoon, “ayuu yidhi Mr. Dixon oo sheegay in Maraykanku la dhacsan yahay in daneeyeyaasha Somaliland doonayaan inay wadajir uga shaqeeyaan ujeeddooyinka ay wadaagaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this