Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyeyaasha Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Dhuusamreeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa goordhow gaaray Magaaladda Dhuusamareeb.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug

Dhuusamareeb waxaa hore muddo laba bilood ku dhaw ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu halkaas ka hoggaaminaayey howlgallada ka dhanka Al-shabaab.

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this