Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Aqalka Sare oo Shir Uga Qeybgalaya Magaalada Nayrobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim oo hoggaaminqya Guddiga joogtada Aqalka Sare oo maalintii afaraad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga joogtada Senate-ka dalka Kenya.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo hoggaaminaya guddiga iyo dhiggiisa Kathuri Murungi oo ay wehliyaan xubnaha Guddiyada joogtada Senate-ka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa isdhaafsaday warbixin guud oo la xiriita shaqada Golayaasha iyo guddiyada ay ka kala socdaan,

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay hannaanka ay u shaqo galaan, doorkooda isla xisaabtan, sida ay ku yimaadaan Golayaasha iyo qodobo kale oo muhiim ahaa, iyagoo sidoo kale guddoonka iyo xubnaha guddiyadu ay su’aalo dheeraad ah iska waydiiyeen xagga waayo-aragnimada, shaqada iyo shuruucda.

Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa uga danbayn uga mahadceliyay guddoonka iyo dhammaan Golaha Senate-ka Kenya soo dhaweynta diirran oo ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani miro-dhalka ah iyo kulamadii ay wada qaateen ay horseedi doonto, sii xoojinta wada jirka xagga shaqada, qibrad wadaagga iyo iskaashiga ka dhexeeya Labada laba Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this