Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Itoobiya oo shaaca ka qaaday dilka 462 Shabaab ah kadib weerar fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ethiopia-Itoobiya-scaled.jpeg?fit=2560%2

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Militariga Itoobiya ayaa Arbacadii ku dhowaaqay in ay dileen 462 dagaalame oo Al-Shabaab ah kadib weerar fashilmay oo kooxda ay soo qaaday. 

Bayaan kasoo baxay ciidamada qaranka Itoobiya ee ENDF ayaa lagu sheegay in xubnahan lagu dilay deegaanka Rab Dhuure ee gobolka Bakool ee Soomaaliya kadib markii ay isku dayeen inay weeraraan kolonyo ka tirsan ciidanka oo ku sugnaa aagga. 

ENDF waxay shaaca ka qaadeen in maleeshiyada ay isku dayeen inay adeegsadaan 12 qof oo is-miidaamiyeyaal ah iyo saddex baabuur oo laga soo buuxay waxyaabaha qarxa. 

Militariga Itoobiya ayaa horey dhowr jeer u fashiliyey dhowr isku day oo Al-Shabaab ay ku geli laheyd bariga Itoobiya, si ay xuduudda uga fuliyaan weeraro, ayaa lagu yiri bayaanka. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay 17-kii September ku sheegtay inay dileen 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari kadib dagaal ka dhacay gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.

“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”

The post Militariga Itoobiya oo shaaca ka qaaday dilka 462 Shabaab ah kadib weerar fashilmay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this