Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo la shiray guddoonka labada Gole iyo xildhibaanno

Recommended Posts

Deeq A.   
380889167_775841591249116_45360580430334

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay guddoomiiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo xildhibaano maanta gaaray magaaladaas oo uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Shabaab.

Kulanka ayaa yimid, kadib markii labada guddoomiye iyo xildhibaanada la socda ay booqasho ugu tageen madaxweynaha oo laba bilood ku sugan halkaasi.

Xasan Sheekh oo kulanka ka hadlay ataa guddoonka sare ee  Baarlamaanka warbixin ka siiyey guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu u xaqiijiyay in dowladda federaalka iyo Galmudug-ba ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro gobollada dhexe oo ay hadda ka joogaan meelo kooban.

Dhankooda labada guddoomiye ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama uu waqtigiisa ugu badan geliyay dagaalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dadka Soomaaliyeed leeyihiin  hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

Waxa kale oo ay sheegeen labada guddoomiye in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale la kulmi doono saraakiisha ciidamada, si ay xog wareystaan xaaladdooda iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay inay booqdaan deegaanada qaar ee laga xoreeyay Al-Shabaab, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda, una garab istaagaan ciidamada huwanta.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xoogaan, kaas oo ay iska kaashanayaa ciidamada dowladda iyo kuw daraawiishta maamulkaas iyo sidoo kale dadka deegaanka.

380884463_775843037915638_72754954275623 380885616_775843701248905_90390587233125 380889165_775843477915594_33234048464659 380889167_775841591249116_45360580430334 380889623_775843651248910_59049332837446 380890004_775843074582301_52004238607187 380890192_775843617915580_63573326783046

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo la shiray guddoonka labada Gole iyo xildhibaanno appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this