Deeq A. Posted September 21, 2023 Ruuska Boqolaal Qof Ka Daadgureeyay Nagorno-Karbaakh Russia(Qaran news)-Ruushka ayaa boqolaal ka mid ah dadkii deganaa gobolka Nagorno-Karabakh ka daadgureeyay hawlgalkii milateri ee Asarbayjan ka bilowday, kaasoo ay kula wareegeen 60 goobood oo ay joogeen ciidamada Armenia, iyadoo baaqyada xabbad joojinta ay sii socdeen. Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada nabad ilaalinta Ruushka ee ku sugan gobolka Nagorno-Karabakh ay daad gureeyeen in ka badan 1,800 oo qof oo degganaa gobolka lagu muransan yahay shalay oo Salaaso ahayd. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Ruushka ay si ku meel gaadh ah u siiyeen gargaar dad shacab oo laga soo daad gureeyay magaalada Karabakh, iyadoo ay u dheer tahay daryeel caafimaad, waxayna gacan ka geysteen daweynta dhaawacyada. Warfidiyeenada oo soo xiganaya ilo maxali ah oo ku sugan gobolka Karabakh ayaa sheegay in ciidamada Asarbayjaan ay duqeeyeen xaafado ka tirsan caasimada gobolkaasi ee Stepanakert. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites