Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Deegaanka oo la Kulantay Wakiilka UNHCR

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Deegaanka oo la Kulantay Wakiilka UNHCR
IMG-20230921-WA0000-300x188.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo uu weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNHCR.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd in lagaga wada hadlo sidii wacyigalin dhinaca Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ah loo gaadhsiin lahaa Barakacayaasha iyo qeybaha nugul ee Hay’ada UNHCR ka shaqeyso.

Waxa sidoo kale la isla soo qaadey qoddobo dhowr ah oo ku qotoma sidii labada dhinac ay uga wada-shaqeyn lahaayeen mabaadii’da ilaalinta Deegaanka iyo la qabsiga Cimilada.

Kulanka ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday isfaham iyo in lagu balamay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this