Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: CC Shakuur oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka iyo qorshihiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg?fit=2048%2

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa galabta gaaray furimaha ay ciidamadu difaaca uga jiraan ee deegaanka Bulacle ee gobolka Galguduud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ciidanka ku sugan deegaankaan oo bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku dhiirigeliyey halka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka, isagoo ku dalbaday inay sii socdaan oo gaaraan deegaanada ay Galgaduud ka joogto kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaano kale oo heer federaal ah oo maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kormeerkaan ku wehliyey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna ciidamada geesiyaasha ah ku amaaneen sida ay dhaxanta iyo qoraxda ugu joogaan difaaca dalka iyo dadkooda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta ka soo degay Dhuusamareeb, isagoo ka yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu mari doono dhamaan furimaha ciidamada ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada uu maanta bariga Dhuusamareeb ugu tegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u badnaa geesiyaasha deegaanka ee hubka u qaatay inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii laga soo tago inuu yahay ergayga madaxweynaha dalka u qaabilsan gurmadka abaaraha, waa xildhibaan golaha shacabka ku metela dadka dega Dhuusamareeb iyo Guriceel, taas ayaa sabab u ah inuu ayaga ka bilaabo dhiirigelinta ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

Siyaasigaan oo lagu yaqaano mayal adeyg siyaasadeed ayaa hadda muujiya inuu aad ula dhacsan yahay hanaanka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, Madaxweynaha ayaa ajendihiisa koowaad ka dhigtay dagaalka kooxdaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa caawa ka soo noqday furinta wuxuuna ku hoyanayaa Dhuusamareeb, sidoo kale berri iyo maalmaha xiga wuxuu qorsheynayaa inuu tago furimo badan oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalamayaan argagixisada.

Hoos ka daawo

380714679_775426051290670_44694074572579 380750913_775426234623985_41996062091680 380801929_775426201290655_90247082297889 380809729_775425977957344_79918637797729 380814939_775426071290668_50644608016743 380818121_775426007957341_10154631228055 380914991_775426104623998_24228399487119 381017592_775426124623996_45707044976168 381351087_775426064624002_36122620026256 381360705_775426041290671_42849007314183 Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg?resize=696

The post Daawo: CC Shakuur oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka iyo qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this