Sign in to follow this  
Deeq A.

Buuhoodle: Maleeshiyaad lagu daabulay Qorilugud oo dhaq dhaqaaq ciidan sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695209508710.jpg?resize=696%2C46

Maleeshiya-beeleed hubaysan oo dhawaan lagu soo daabulay degaanka Qorilugud ee hawdka gobolka Cayn ayaa maanta dhaq dhaqaaq ciidan ka sameeyay degaankaas.

Maleeshiyaadkan beelaysan ayaa maanta bilaabay in ay rasaas xooggan u ridaan dhinaca deriskooda reer SSC-Khaatumo, taas oo durba uga sii dartay xiisadda labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale maleeshiya-beeleedka hubaysan ay isku fidiyeen dhulka miyiga ah ee nawaaxiga degaanka Qorilugud.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa weli halkaas ku daabulaya maleeshiyaad horleh oo loo diyaarinayo in ay weeraraan dhulka SSC.

Dhaq dhaqaaqa ciidan ayaa imaanaya, iyadoo Somaliland ku hanjabtay in ay dagaal rogaal celis ah ku qaadayso degaannada SSC si ay uga aar-gudato jabkii ka raacay Gooja-cadde.

PUNTLAND POST

The post Buuhoodle: Maleeshiyaad lagu daabulay Qorilugud oo dhaq dhaqaaq ciidan sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this