Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya deegaanka Happy Valley oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay laba wiil oo Soomaali ah.

Dilka loo geystay labada wiil Soomaaliga ah ayaa yimid kadib markii koox budhcad Koonfur Afrikaan ah ay ku weerareen labada muwaadin goob ganacsi oo ay ka shaqeenayeen, islamarkaana ay rasaas ooda uga qaadeen.

Labada Muwaadin ee lagu dilay deegaanka Happy Valley ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras oo ahaa laba wiil oo aad u da’yar.

Booliska dalkaasi Koonfur Afrika ayaa weerarka kadib gaadhay dukaanka dilka loogu geystay dhalinyarada Soomaalida kuwaas oo sidii caadada u aheyd sameeyay baadhitaano kooban oo ayna kasoo bixin wax natiijo ah, inkastoo ay sheegeen iney gacanta kusoo dhigi doonaan budhcadii falkaan geysatay.

Meelo badan oo ka mid ah dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dhibaateeya dhalinyarada Soomaalida ee dalkaasi u shaqa doontay, kuwaas oo loo geysto dilal, dhaawacyo daran iyo boob baahsan loo geysto hantidooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this