Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay in Somaliland lagu soo Qaaday Duullaan Lagu Xidid Jarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha UCID oo Sheegay in Somaliland lagu soo Qaaday Duullaan Lagu Xidid Jarayo
IMG-20230920-WA0003-300x200.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca dalka oo uu tilmaamay in uu ku soo duulay cadow doonaya inuu jiridaha u saaro Qarannimada Somaliland.

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in loo baahan yahay in gacmaha la isku qabsado sidii loo difaaci lahaa dalka.

“Kuwa Maxaabiista gawracaya ee Laascaanood isku soo uruursaday, waxaan leeyahay, dhaqan Somali maaha,” ayuu yudhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa kaloo uu Ganacsatada Wajaale ka tacsiyadeeyay khasaaraha soo gaadhay wuxuuna u soo jeediyay inay baananka lacagaha dhigtaan, waxaanu yidhi
“Waxaan Tacsiyadeenayaa dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay dabkii Wajaale, ganacsatadana waxaan kula talinayaa inay dhigtaan lacagaha baananka.”

“Waxaan leeyahay ciddii ka leexataa midaynta Somaliland, waxay la mid tahay kuwa ku soo duulay Qaranka” ayuu idhi Guddoomiye Faysal.

Waxa kaloo uu bogaadiyay odayaashii dhaqanka ee ku hawlanaa sidii at buurta uga soo dejin lahaayeen jabhadii Gacan-libaax, wuxuuna yidhi “Waxaan bogaadinayaa Odayaashii muddada badan fadhiyay Gacan-libaax ee wanaagga ka shaqaynayay.”

Sidoo kale wuxuu Guddida Habar-jeclo u soo jeediyay inay qabtaan shir Isaaq oo lagu midaynayo ummadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this