Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Daraawiishta Jubbaland oo Ka Warbixiyay Howlgalladii Ugu Dambeeyay Ee La Fuliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaannada Jubbaland jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab lagana saaray deegaanno badan sida uu hadalka u dhigay taliyaha.

Taliyaha ayaa ugu horeyn ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalamaya  in ay ka faa’ideystaan fursadda iskuna soo dhiibaan Dowladdooda si ay u helaan nolol ka wanaagsan midda ay ku jiraan oo ah mid aan sax ahayn.

”Waxaan rabnaa Khawaarijta fursad bey haystaan maanta ay kaga faa’ideysan karaan dhallinyarada yar yar ee la qalday in ay deegaankooda iyo dalkoodii dib ugu soo laabtaan, waxaan leeyahay shacabka Jubbaland ha loo diyaargaroowbo nimankan waqtigooda wuu dhammaday waqti yar baa u haray,” ayuu yiri taliye Aar.

Taliyaha ayaa Sidoo kale, tilmaamay in guulo wax ku ool ah ay ciidamada oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in ay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka Jubbaland.

“Ciidamada Jubbaland waxay soo hoyiyeen guulo la taaban karo habeen iyo maalinna waxaa loo taagan yahay in cadowgaas dalka laga saaro,”, ayuu hadalkiisa siiraaciyay Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali, xilli Al-sjabaab deegaanno badan ay ka jogaan Jubbaland.

Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiisha Jubbaland oo kaashanaya xoogagga deegaanka  ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab  ka sameeyay deegaannada ay kooxdu ka joogto , waxaana howlgalladaas laga gaaray guulo wax ku ool ah sida ay baahiyeen saraakiisha hoggaaminaysa.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this