Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socda Dowladda Federalka oo Gaaray Degmada Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka JFS ,Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa afaafka degmo xeebeedka Hobyo ku soo dhoweeyay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan magaalada Hobyo.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Kalluumaysiga Axmed Xasan waxaana socdaalka ku wehliyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-caddaala, la taliyaha Madaxweynaha dalka, Sakariye Xasan Gaashaan, Senator Duniyo, Xildhibaan Saabbir Nuur Shuure ,Cabdisalaan Xaaji Dhabancad iyo Ganacsade Liibaan Axmed Xasan.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay xarig jaraan mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Degmada Hobyo, waxaana uu socdaalkooda uu ku soo aadayaa xilli mas’uuliyiintaan gobolka ay u joogaan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Mudug.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this