Deeq A. Posted September 20, 2023 Wafdi ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka JFS ,Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa afaafka degmo xeebeedka Hobyo ku soo dhoweeyay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan magaalada Hobyo. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Kalluumaysiga Axmed Xasan waxaana socdaalka ku wehliyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-caddaala, la taliyaha Madaxweynaha dalka, Sakariye Xasan Gaashaan, Senator Duniyo, Xildhibaan Saabbir Nuur Shuure ,Cabdisalaan Xaaji Dhabancad iyo Ganacsade Liibaan Axmed Xasan. Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay xarig jaraan mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Degmada Hobyo, waxaana uu socdaalkooda uu ku soo aadayaa xilli mas’uuliyiintaan gobolka ay u joogaan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites