Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Al-shabaab Kala Wareegaay Deegaanno Hor Leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo maalimihii dambe ay ka socdeen howlgallo ballaaran oo ay wadeen ciidanka huwanta ah.

Ciidanka ayaa howlgalkoodii saakay kula wareegay  wareeegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug , ka hor inta aysan u gudbin deegaanka Shabeelow oo Al-shabaab u ahaa fariisin muhiim ah marka la joogo Mudug.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagula wareegay labada deegaan ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay 25 ka tirsan Al-shabaab iyada oo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen, sida ay baahiyeen saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa.

Ciidanka  huwanta ah ayaa dhinaca kale ayaa hawlgal lagu howlgallo laga sameeyay deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara, waxaana howlgalladaan ay ku soo aadayaan xilli gobolka ay ka socdaan howlgallo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this