Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Beesha Saruur oo ku biirtay isbaheysiga Surre, Sacad iyo Saleebaan ee…

Recommended Posts

Deeq A.   
Camaara.jpg?fit=720%2C540&ssl=1

Camaara (Caasimada Online) – Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa sheegay in isbaheysiga dib u xoreynta deegaanada Al-Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug ay kusoo biirtay beesha Saruur.

Saabir ayaa sheegay in isbaheysigii beelaha Sure, Sacad iyo Saleebaan ay maanta kusoo biirtay beesha Saruur, taasi isbaheysiga xoreynta beelahan ka dhigeysa afar, sida uu shaaciyay Xildhibaanka.

“Isbaheysigii aad saddexda ku ogeydeen maanta laga bilaabo waa afar. Wasiir Culusow kusoo dhawoow Camaara, ragga kula socda ayaa halkaan ku biirineynaa oo ka bilaabanayo isbaheysiga,” ayuu yiri Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Waxa uu intaas kusii daray “Reer Camaara sida muuqaalka iyo mugga leh ee usoo dhaweeyeen ciidamada waa ku mahadsan tihiin iyo in aad ka qixin, na raaca ayaa Shabaab lagu bartay oo aydaan raacin.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kal dadka deegaanka Camaara ka dalbaday inay keenaan 100 wiil oo ku biira howl-galka socda, kuwaasi oo ka barbar dagaalama ciidanka xoogga dalka, si hore usii socda gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Inta idiin hartay waa intaas idin weydiinay boqolka wiil ee Macawisleyda ah oo aan u ballan qaadeyno inay ku biiri doonaan ciidanka xoogga dalka ayaa idinka fadhinaa, Nabadoonnada iyaga hoggaaminaya waxaa rabnaa in howshaas sideeda u hoggaamiyaan oo aan meeshaan looga harin.”

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyay “Garabkiina nahay, dowladdii iyo mucaawinadeedii iyo baahiyihiina waa la dabooli doona Insha Allah. Ninkii cabsi yar ku jirtowna guriga kasoo bax, waxaa la rabaa in deegaanada yar ee harsan aad xoreysaan.”

Magaalada Camaara oo maalmo kahor soo gashay gacanta dowladda ayaa ka dhigan in kooxda guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: Beesha Saruur oo ku biirtay isbaheysiga Surre, Sacad iyo Saleebaan ee… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this