Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu dalacsiin iyo xil isugu daro Dayax Cabdi Cabdulle?

Recommended Posts

Deeq A.   
Dayax-Cabdi-Cabdulle.jpeg?fit=998%2C818&

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeen hore isbeddel ku sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka, waxaa la beddelay taliye ku-xigeenkii ciidanka xoogga iyo taliyihii ciidankii lugta.

Waxaa la magacaabay laba taliye cusub. Sarreeye Guuto Maadeey Nuureyn Sheekh ayaa loo magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka.

Ninkaan ayaa hore usoo noqday taliyaha ciidanka badda, wuxuu kamid ahaa saraakiishii madaxweyne Xasan Sheekh la shaqeysay muddo xileedkiisi hore. Wuxuu kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Ninka labaad ee habeen hore la magacaabay ee hadal haynta badan dhaliyay waa Dayax Cabdi Cabdulle, waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka lugta.

Ninkaan wuxuu ahaa Gaashaanle Dhexe laakiin wareegtada madaxweynaha ayaa looguu dalacsiiyay Gaashaanle Sarre kadibna sidaas ayaa looga dhigay ciidanka lugta. Wuxuu kasoo jeeda Puntland.

Dayax wuxuu xukumi jiray mid kamid labada guuto ee ciidanka Gorgor. Ciidankan oo xoogga dalka ka tirsan ayaa loo arkaa kuwa ugu muhiimsan ee dagaalka tooska ah.

Dayax wuxuu ku jiray saraakiil ku eedeysnaa inay fuliyeen weerar lagu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Sheekh Shariif oo deganaa hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, oo aheyd 11 cisho kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo.

Ma aheyn wax sahlan inay jiraan askar ku qanci karta inay fuliso amarka madaxweyne waqtigii ka dhamaaday oo weliba lagu weerarayo laba madaxweyne oo isaga ka horeysay.

Marka laga tago in ninkaan uu ku jiro saraakiisha eeddaas loo haysto iyo fulinta amarkaas qaldanaa, haddana dhinaca kale dadka yaqaana waxay noo sheegeen inuu yahay sarkaal dagaal gelinta ku fiican, tabar badan oo ciidankana si fiican u kala yaqaana, si gaar ah Gorgor oo kaalin weyn ku leh dagaalka socda.

Ninka uu beddelay oo saddex billood kahor la magacaabay Jeneraal Axmed Aadan ayaa muujin firfircooni iyo hal abuur dagaal xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo dagaal.

In madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dalacsiin iyo xil iskugu daro mid kamid ah raggii ku eedeysnaa weerarkii isaga lagu dili rabay laba sanno kahor waxay muujineysa in madaxweynuhu uusan dib u eegeyn ficiladii maalmihii adkaa ee doorashada.

Tallaabadan waxa kale oo ay muujineysa in muhiimada madaxweynaha tahay muxuu qofka ka galaa dagaalka hadda socda. Amarada siyaasadeysan waxaa inta badan xisaabteeda leh oo meel loo dhiga qofka maalinkaas xukunka hayay ee bixiyay amarada qalafsan.

Dadka yaqaan sarkaalkan la yiraahdo Dayax waxay leeyihiin waxay u badan tahay inuu aragti cusub keeni karo furimaha dagaalka. Magacaabista taliyaashan waxay kusoo aadeysa iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo midka deegaanka ay kooxaha argagixisada kala wareegeen goobo badan oo ay ka joogeen gobolka Mudug saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

The post Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu dalacsiin iyo xil isugu daro Dayax Cabdi Cabdulle? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this