Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dhabancad oo shaaciyey arrin ay Camaara kaga duwan tahay deegaanadii la xoreeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
ac067200-f595-45d9-abcf-27f35418474f.jpe

Camaara (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka mid ah masuuliyiinta hor kacaysa dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug ayaa galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Camaara oo ah deegaankii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey kooxda.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay halkaas ugu tageen bulsho aad u badan oo u diyaarsan inay dowladnimada garab istaagaan oo Shabaab aan ka dabacararin sida ka dhacday deegaano badan oo horay looga saaray kooxda, kuwaas oo laga waayey dadkii joogi jiray.

Xildhibaanka ayaa markii uu arkay sida ay u camirantahay magalada Camara wuxuu yiri, “Maanta waxaa noo shidan Camaara oo aan ugu imaanay dad shidan, si gaar ah ayaan ugu hambalyeynaa dadka ku nool magaaladaan,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Dhabancad oo fagaare kula hadlay shacabkii laga xoreeyey Al-Shabaab ee Camaara ku noolaa ayaa u sheegay inay ku sii soca doonaan deegaanada weli ka maqan gacanta dowladda, isagoo ku dhiirigeliyey inay iska saaraan cabsida, maadaama aysan jirin wax dib u noqosho ah.

“Reer Camaara oo lafahooda ceynsaday ayaan cadowgii ka dul-qaadnay, iskuuladii iyo dugsiyadii waa u furan yihiin oo wax badan ayay kaga horeeyaan deegaanada kale, hadda waxay u baahan yihiin in waxooda wax loogu daro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Dhabancad.

Sidoo kale Xildhibaan Dhabancad ayaa dadka reer Camaara u sheegay in go’aan lagu gaaray in Shabaab aan laga harin ilaa inta laga soo afjarayo, sidaas darteed ay cabsida iska saaraan.

“Waxaad rumeysataan in dib aan loo laaba doonin oo berri uusan idin qabsa doonin Shabaab-kii la idinka dul qaaday, Soomaaliya oo dhan heshiis Khawaarijta iska xoreyn ah ayaa ka dhacay ee dhankiina ka fuliya,” ayuu yiri Dhabancad.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in beelaha Habargidir iyo Surre (Dir) ay sameysteen is xulufeysi ka dhan ah Al-Shabaab, sidoo kale dowladda federaalka iyo Galmudug ayuu ka codsaday inay dadka laga xoreynayo argagixisada la soo gaaraan waxyaabaha ka dhiman, si loo ilowsiiyo dhibkii Khawaarijta.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa Jimcihii ku dhaawacmay weerar is miidaamin ah oo Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Laas-gacamey oo u dhaxeeya Bacaadweyne iyo Wisil oo xligaas ay joogeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Dhabancad oo shaaciyey arrin ay Camaara kaga duwan tahay deegaanadii la xoreeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this