Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Dhexe iyo Galmudug oo Gaaray Magaalada Camaara

Recommended Posts

Deeq A.   

Masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Fedealka Soomaaliya  iyo Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Camaara ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo lagala Wareegay dhowaan Al-shabaab.

Masuuliyiinta ayaa waxaa Camaara kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka.

Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta Cabdulaahi Aden xuseen Ciro ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay Guulihii Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanku ay soo gaareen.

Ciidamada huwanta ah ayaa muddooyinkii dambe howlgallo kale duwan ka waday gobolka Mudug, waxaana muuqata in gobolka badankii laga saaray Al-shabaab deegaanno kooban marka laga reebo.

May be an image of 5 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 people and scarfMay be an image of 8 peopleGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this