Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Madaale iyo shacabka Nuur-dugle oo isku dhaarsaday dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4272.jpeg?fit=1080%2C810&ssl=1

Nuur-dugle (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo maalmahaan safar ku maraayey deegaanada Nuur-dugle, Cadcadey, Cadaanlaxey iyo deegaano kale ayaa maanta fagaare kula hadlay shacabka deegaanadaas, isagoo kala hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha iyo shacabka deegaanadaas ayaa isku dhaarsaday dagaalka, xilli abaabul xoog leh uu ka socdo dhamaan deegaanada xorta ah ee HirShabeelle.

Duqa Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furinta ayaa shacabkii uu maanta la hadlay u sheegay in shaqadiisii uu kaga soo tegay sidii uu cidiisa ugu garab istaagi lahaa dagaalka ay isaga xoreynayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa shacabkii uu la hadlayey u sheegay dhulkooda in Shabaab sii joogo inay ceeb ku tahay, iyagoo heysta awood ciidan oo dhexdooda ah iyo garab istaaga dowladda.

Duqa Muqdisho sidoo kale wuxuu maanta la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, isagoo ku dhiirigeliyey dagaalka Al-Shabaab iyo inay dadkooda ka dulqaadaan dhibaatada kooxda.

Dhammaan deegaanada xorta ah ee gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ee HirShabeelle waxaa ka socda abaabul dagaal kii ugu cuslaa, waxaana lagu raja weyn yahay in toddobaadyada soo socda ay deegaano badan ciidamo ka soo dhaqaaqaan, si looga adkaado Shabaab-ka ku harsan gobollada dhexe.

Dhanka degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe waxaa weli ka socda howlgal lagu soo afjarayo koox Shabaab ah oo dooneysay inay kasoo gudbaan wabiga, si ay uga dagaalamaan degmooyinka iyo deegaanada xorta ah ee Shabeellada Dhexe oo intooda badan sanad ka hor laga xoreeyey.

Duqeymihii kooxdaas ku bilowday afar maalin ka hor ayaa weli ka socda aagaas, waxaana laga laayey dagaalyahano badan, umana suurta gelin inay ka soo gudbaan aagga degmada Mahadaay, sidoo kale dadka deegaanka ayaa dagaal toos ah la galay kooxdaas.

Ciidamo badan oo dadka deegaanka ah ayaa ku sugan aagga Mahadaay, kuwaas oo diyaaradaha ku garab siinaya in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab ee isku dayday inay ka soo gudubto jiinka Wabiga Shabeelle, si ay uga dagaalamaan deegaanada xorta ah ee Sh/Dhexe, taas oo hadii ay u suurtagasho culeyska ka yareyn kartay Shabaab-ka ku go’doonsan Galgaduud iyo qeybo yar oo ka mid ah Sh/Dhexe.

Hoos ka daawo guddoomiye Madaale

The post Daawo: Madaale iyo shacabka Nuur-dugle oo isku dhaarsaday dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this