Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku burburtay xadka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
2023919638307091863715702.jpg?fit=660%2C

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahinp dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca helicopter-ka ah oo ay lahaayeen ciidamada dalka Kenya oo maanta ku burburtay agagaarka xadka ay wadaagaan labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya.

Diyaaraddan oo aheyd nooca qumaatiga u kacda ayaa mar qura soo dhacday, mana cadda illaa iyo hadda waxa sababay shilkaasi.

Sida ay shaaca ka qaaday waaxda difaaca Kenya, diyaaraddan oo ay lahaaneen ciidanka cirka ee dalkaa ayaa burburtay, xilli ay ku jirtay howlgal roondo ah.

Shilka kadib, waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, si ay uga horetgaan dhaq-dhaqaaq ay Al-Shabaab ka sameeyaan halkaasi.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa goobta u dirtay guddi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan rasmi ah kusoo saameeya dhacdadaasi, si loo ogaado waxa sababay.

Dhanka kale, ilo wareedyo ku dhow laamaha amniga Kenya oo qariyay magacadood ayaa Wakaalada Warar ee AP u sheegay in dhamaan ay geeriydoo askarii la socotay diyaaradda.

Ma ahan dhacdo ugub ah, waxaana horay u jirtay in diyaarado milatari oo ay leedahay Kenay ay ku dhaceen gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo qaarkood la socdeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda, kadib markii ay ku yimaadeen cilado lama filaan.

Si kastaba, diyaaradaha dagaalka Kenay ayaa duqeymo ka gaysta deegaanada dhaca Xada iyo gobolka Gedo, halkaas oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah.

The post Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku burburtay xadka Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this