Sign in to follow this  
Deeq A.

Dardar galinta ciidanka dab damiska

Recommended Posts

Deeq A.   

DARDAR GALIN CIIDANKA DAMDAMISKA IYO WACYI GELIN BULSHO U BAAHAN IN LA WEELEYO. MEEL WALBAAD JOOGTAAN RSL
SIDII LOO XOOJIN LAHAA DHAMAANTEEN

■ Muwaadin ka qeyb qaado aragtidadda

■ Dabku waa caddow masiibo ah. Ciidanka dambamiska dal ahaan iyo dad ahaan halala shaqeeyo. Xeerkooda baarlamanku horyaala. Degdeg haloo ansixiyo.

■ Xukumaddu misaaniyad dhaafsiisan gunadda Dowlahaa hoose siiyaan askarka ciidanka dambiska haloo sameeyo miisaaniyadd qaran oo dowladda dhexe bixiso.

■ Ganacsatadda dalku haka qeyb qadato in qalab ku filan loo soo iibsho. Iyadoo lagu xoojinayo qalabka ey hadda heystaan.

■ Taliyaha ciidanku ha uxusho dhalinyaro firfircoon oo aqoon leh. Habka maanulka iyo mareynka xafiiskiiyadooda. Tabaro dheera halooga raadsho dowlaha jaarka ama dowladda Taiwan.

■ Si loo helo ciidan xirfad xoogan u leh Bakhtiinta dabka. Waxaan kula dardaarmaya cid walba oo fahmeysa bedqabka hantida umadeena iyo gargaarka degdega ey u adeegaan iney gacan buuxda siiso. Ciidanka damdamiska

■ Hey’addaga UN ee dalka ka shaqeeya waxa jira qaar ey la shaqeyn karaan in looga raadiyo sidi xirfadooda iyo awooda shaqo kor loogu qaadi lahaa. (Shaqalaha Damdamiska) looguna diri lahaa tarabaro ku saabsan (Rescue Disaster Management)

■ Talo walba ey soo jeediyaan oo ku haboon ka taxadarka ama feejignaanta dab ama gubasho ka dhalan karta.

■ Qorshe xumo suuqayadeena ah cidii talooyonkooda diida in lamaaha amaanka sidda Police iyo Maxkamaduhu la shaqeeyaan. Sida dadkaa awoodaha sharciga loo horkeeno qofkii diida in meheradiisa aaney ku habooneyn meeshu ka dhisan tahey ama jiingaduhu ku xidhey.

■ Dhamaan goboladda dalka waa in la mideeya isku xidhnaantooda iyo wadda shaqeyn toodda. Awoodeeda xirfadeed iyo isgaadhsiineed.

■ Qurbe joogu waa iney waxii qalab ey u heli karaan dowlahaa ey la joogaan kala shaqeeyaan siddi ey u gaadhsiin lahaayeen. Farimaha argagaxa leh iyo khasaraha soo noqnoqanaya.

■ Si ey ugu heli lahayeen qalab ama (Transfer Knowledge) ku saabsan in dowladaasii u diraan aqoonyaho ciidanka Hargeisa ku tababara ama koox soo kaxeeya loo tababaro ciidankeena damdamiska

■ Qurbe joogu waa inuu xidhiidh xoogan la sameeya. Ciidanka damdamiska iyagoo iyaguna xidhiidh la sameynaya dowlaha ey la joogaan una bandhigaya baahidda ka jirta dalkeenii

■ Ciidanka damdamisku waa iney documentary ka sameeyaan masiibooyinkii dalka ka dhacey

■ Sidda suuqa Waaheen iyo Wajaale sidey uga howlgaleen una bakhtiyeen. Si dadka qurbaha jooga ula wadagan wadamadda ey joogaan si ey qalab iyo tababaro ugu raadiyaan iyagoo lagu tarjumey luuqadda English ta. Si caalamku inoola fahmo baahidda jirta

Faalo kooban

Ciidkan Damdamisku ha
Guuleysto. Shaqo Culus
Bey bulshaden u hayaan

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this