Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisulwasaare iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane  Xamse Camse Barre ayaa galabta ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan REP- Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu timid Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Xamse iyo Ilhaan ayaa waxaa  sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, xilligaan oo dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka socda qeybo badan oo kamid ah.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay gudaha Marreykanka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isaga oo booqan doonaa Minneapolis.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this