Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Ciidanka Dowladda oo Gacanta Ku Haya Inta Badan Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh ka wada deegaanno dhowr ah, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug, waxaana laga saaray deegaanno badan.

Dowladda ayaa  u muuqata in dagaalka markaan la isugu geeyey gobolka Mudug, kaas oo maalmihii dambe ay ka socdeen howlgallo ballaaraan oo ay iska kaashanayaan ciidamada huwanta ah, xilli Al-shabaab ay lumiyeen deegaanno badan oo ay ka joogeen gobolka Mudug.

Magaalooyinka Bacaadweyne, Qeycad, Xinlabi, Camaara, Seego iyo Qodqod iyo Laasgamey in laga saaray ayaa ka dhigan in dowladdu ay la wareegtay inta badan gobolka, xilli lagu wado in maalmaha soo aadan ay gaari karaan magaalooyin hor leh, kuwaas oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Al-shabaab ayaa Mudug kaga sugan deegaanno hoos taga magaalada Xarardheere oo dhowaaan laga saaray, gaar ahaan deegaanka Jowle, Dumaaye,Dabagalo, Caad  iyo dhowr tuulooyin hoos yimaada, taas oo ka dhigan in ciidanka dowladdu ay gacanta ku hayaan inta badan gobolka Mudug.

Ciidanka dowladda, Daraawiishta Galmudug oo taageero ka helaya kuwa deegaanka aya waxaa furimaha kula sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka iyo dowlad goboleedka Galmudug, kuwaas oo taageero iyo dhiiragelin u muujinaya ciidamada huwanta ah ee howlgallada ku jira.

Wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in gobolka Galgaduud Al-shabaab laga saarayo markii laga soo gudbiyo gobolka Mudug, waxaana muuqata in dowladdu awoodeeda isugu geysay in Al-shabaab laga saaro deegaannada Galmudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale hormarro ka sameeyey gulufka ka socda gobolka Galgaduud , gaar ahaan dhanka Bariga, waxaana Al-shabaab laga saaray deegaannada Ceellahelay, magaalada Geelgaras iyo tuulooyin hoos taga magaalooyinkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wali ku sugan magaalada Dhuumareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa halkaas ka wada abaabulka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro Al-shabaab, oo ka socda Galmudug.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this