Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Shacabka Xamar oo sahay iyo agab kale u diray jiidda hore ee dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
gaadiid-baabuur-dagaal.png?fit=1414%2C78

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sahay laga ururiyey shacabka Muqdisho u diray ciidamada hawlgalada ka wada Gobolada Dhexe iyo deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Guddiga Gurmadka iyo Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay raashiin iyo agab kale oo loogu talagalay ciidamada, islamarkaana laga soo uruuriyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Raashiinka iyo agabka kale ee loogu talagalay ciidamada ayaa lagu raray qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka ee ciidamada, si ay u geeyaan furimaha hore ee ciidamada ku sugan yihiin iyo deegaanada maalmihii ugu dambeysay laga saaray Shabaabka.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Shabaab looga adkaan karo iskaashi iyo isku duubni.

Gudoomiye Yabooh ayaa ku baaqay in hal dhinac laga noqdo dagaalka lagu la jiro A-Shabaab, haddii aysan taasi dhicin aan ebid laga adkaan doonin Shabaabka.

Yabooh ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay “Dadweynaha Gobolka Banaadir waxaan ugu baaqaya inay marada dhexda ku xirtaan, oo har iyo habeen ay u taagnaadaan, sidii loo garab siin lahaa ciidamada dagaalamaya.”

Yabooh ayaa sheegay in taakulada ay ku wareejiyeen Taliska Militariga ay ku muujinayaan, sida ay u garab taagan yihiin ciidamada ku sugan aagagga dagaalka.

Taliyaha Hoggaanka Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Sharmaarke Cali Afrax ayaa dhankiisa sheegay in inta askarigu ay dadkiisu daba taagan yihiin aanu marnaba ka waaban doonin cadowga.

Taliyaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadda ay maanta u haystaan in ay isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana aanay taakuleynta ciidanka ku eegan bulshada reer Muqdisho oo qura, oo doorkooduna ay ka qayb qaataan.

Gaadiidka lagu raray taakulada ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

The post Daawo: Shacabka Xamar oo sahay iyo agab kale u diray jiidda hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this