Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo 103 kamid ah diyaaradahooda dagaalka u diray hawada Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   
South-Korea-Koreas-Tensions-3_1669786697

Shiinaha ayaa u diray hawada Taiwan illaa 103 ka mida diyaaradohooda dagaalka, intii u dhexeysay subaxnimadii Axadda illaa subaxnimadii Isniinta, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Taiwan.

Wasaaradda ayaa Isniintii u soo jeedisay Shiinaha inuu joojiyo tallaabooyinka halka dhinac ka socda ee keeni kara burburka.

“Caga-juglaynta milateri ee joogtada ah ee ay wadaan ciidamada Shuuciga ahi, waxay si sahlan u horseedi karaan inay gobolkaas ka dhacdo xiisad cusub oo uga sii dari karta amniga gobolkaas” ayay sheegtay wasaaradd difaaca ee Taiwan.

Taiwan ayaa intaas ku dartay in ugu yaraan 40 ka mida diyaaradaha dagaalka ee Shiinuhu inay ka gudbeen khadka dhexe ee marin-biyoodka Taiwan, kaasoo ah diilin aan rasmi ahayn oo u dhexeysa labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Shiinaha oo 103 kamid ah diyaaradahooda dagaalka u diray hawada Taiwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this