Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo Xil. Ilhaan Cumar oo wada-hadal gaar ah ku yeeshay magaalada New York

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695100407661.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ku qaabilay marwo xil. Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada dalka Maraykanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudane Xamse uu magaalada New York ku qaabilay xildhibaan Ilhaan oo salaan ugu timid Ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xamse iyo marwo Ilhaan Cumar ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

“Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya” ayuu sii raaciyay warka ka aoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse iyo Xil. Ilhaan Cumar oo wada-hadal gaar ah ku yeeshay magaalada New York appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this