Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo wajahaya mushaar la’aantii ugu wakhtiga dheerayd

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695108027381.jpg?resize=720%2C48

Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda ayaa wajahaya mushaar la’aantii ugu wakhtiga dheerayd ee Puntland ka dhacda tan iyo markii la as-aasay sannadkii 1998.

Wararka ayaa xaqiijinaya in dhammaan shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee dowladda aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Siciid Deni ayaa taariikhda Puntland ku gashay dowladdii u horraysay ee mudda lix bilood oo xiriir ah aan bixin wax xuquuq iyo mushaar ah.

Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda oo ku shaqeeya duruuf adag ayaa waxa u raacay xuquuq la’aanta haysata islamarkaana aysan jirin cid ay cabashadooda u gudbistaan si wax loogu qabto.

PUNTLAND POST

The post Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo wajahaya mushaar la’aantii ugu wakhtiga dheerayd appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this