Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo shaacisay in Al-Shabaab ay lumisay fariisinkii ugu weynaa ee MUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab maanta laga qabsaday fariisinkii ugu waynaa ee ay ku laheyd gobolka Mudug.

Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta dowladda ayaa ka dhigan in kooxda guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay inta badan fariisimihii ugu muhiimsanaa cadawga ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa kooxda laga xoreeyay magaalooyin ay kamid yihiin Bacaadweyn, Xin-labi iyo deegaano kale oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah; Galxagare, Hul-doonyaale, Sirgo iyo Qod-Qod.

“Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta dowladda oo ahayd fariisinkii ugu waynaa Khawaarijta ee gobalka Mudug ayaa qiyaastii 208-KM u jirta magaallo madaxda gobolka ee Gaalkacyo, waxaana guushaan laga gaaray cadawga ay ka dhigan tahay in guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin Khawaarijta.”

Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Geesiyaasha deegaanka ayay sheegtay dowladda in muddadii ay ku jireen hawl-gallada guulaystay ee Khawaarijta looga saaray inta badan gobolka Mudug ay dagaal-yahaanada kooxda gaarsiiyeen jab xooggan.

Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu mahad-celiyay shacabka hubeysan ee ka barbar dagaalamaya ciidanka dowladda, kuwaasi oo iyagu go’aansaday inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada ah iska dul qaadaan, garabna istaagaan ciidanka qaranka.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.
379996426_774082071425068_86066662581886

The post Dowladda oo shaacisay in Al-Shabaab ay lumisay fariisinkii ugu weynaa ee MUDUG appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this