Sign in to follow this  
Deeq A.

Caddow Xasan Cabdi oo 10 sano kadib u soo gacan galay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
379405881_774042188095723_80638846120578

Xudur (Caasimada Online) – Caddow Xassan Cabdi Cali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka hay’adda Nabad-sugidda Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Caddow ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa illaa 2013-kii, wuxuuna ugu dambeyntii uu maanta go’aansaday inuu isku dhiibo dowladda, isaga oo kooxda kala soo goostay qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Ninkan oo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay ayaa waxa uu sheegay in uu kooxda uga soo baxay kadib markii uu fahmay dhagarta Khawaarijta, isaga oo ka faaideysanaya cafiska dowladda.

Caddow oo kooxda kaga biiray degmada Xudur ayaa waxa uu tababar kusoo qaatay deegaanno hoostaga gobolka Galgaduud, wuxuuna kamid ahaa sanadaha uu ka tirsanaa kooxda qeybta ay ugu yeerto jabhadda.

Waxa uu kasoo qeyb qaatay dhowr dagaal oo ka kala dhacay gobollada dalka, taasi oo markii dambe sababtay in uu isku dhiibo ciidamada dowladda kadib markii ciidamad dowladda iyo shacabka hubeysan ay guullo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Caddow oo la hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in uu fahmay dhagarta kooxda, isaga oo saaxiibadiis kale ee weli ku harsan kooxda ugu baaqay inay isaga soo baxaan, ayna ka faa’iideystaan fursadda cafis ee dowladda u fidisay.

Si kastaba, isa-soo dhiibista Caddow ayaa kusoo aadeysa xilli gobollada dalka ay ka socdaan howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu hormuud ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo ka badan hal bil u jooga Dhuusamareeb cirib-tirka kooxaha argagixisada.

WhatsApp-Image-2023-09-18-at-6.01.21-AM- WhatsApp-Image-2023-09-18-at-6.01.21-AM.

379405881_774042188095723_80638846120578

The post Caddow Xasan Cabdi oo 10 sano kadib u soo gacan galay dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this