Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Siyaasadda Puntland oo Saciid Deni ku eedeysay labo arrimood oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
deni.jpeg?fit=1384%2C1206&ssl=1

Garowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin inta badan xisbiyada iyo siyaasiyiinta deegaanada maamulkaas ayaa soo saartay bayaan xasaasi, iyagoo lix arrimood oo culus ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Siyaasiyiintaan oo ka cabanaya hanaanka uu doorashooyinka Puntland u wado am aka damacsan yahay Saciid Deni ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Puntland u horseeday ‘hubanti la’aan amni iyo mid siyaasadeed’.

Eedeymaha Madashaan ay u jeedineyso Madaxweyne Saciid Deni waxaa ugu waaweyn inuu abuuray qalalaase dastuur iyo mid amni, waxayna eedeymaha dastuurka ka soo saareen lix qodob oo kala ah:

1 – In dastuurka la bedelay iyadoo loo maray sifo aan sharci aheyn.

2 – In Maxkamadda Sare oo aheyd laf-dhabarta dowladnimada Puntland la hoos geeyey oo awoodeedii uu la wareegay baarlamaanka, taas oo abuurtay qalalaase dastuur.

3 – In la sameeyey codeyn aan sharci aheyn oo abuurtay iska horkeen bulsho.

5 – In daacad xumadii xukuumadda ay sababtay inay ururradii siyaasadda is qabqabsi, boob iyo in la kala dhaco.

6 – Madashu waxay mar kale ka digeysaa ku dhaqmid la’aanta shuruucda dalka ee Saciid Deni uu wado, taas oo khatar ku ah dowladnimada Puntland.

Madasha siyaasadda Puntland ayaa lixdaas qodob sii raacisay inay ka walaacsan tahay sida ay noqon karaan xaaladaha amni ee magaalooyinka Puntland.

“Xukuumadda uu muddo xileedkeedu sii dhamaanayo waxay canshuurtii dadka reer Puntland iyo bixinta mushaaraadka ciidanka u adeegsaneysaa olole siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha.

Hoos ka akhriso

380011075_704515125049473_34467729603280 380705409_704515108382808_49991278984882

The post Madasha Siyaasadda Puntland oo Saciid Deni ku eedeysay labo arrimood oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this