Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Booqday Furimaha Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu qeyb ka noqdo dardargelinta howlgallada ka socda Bariga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duqa Muqdisho ayaa sii maray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo uu ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee kaalinta ka qaatay in Al-shabaab laga saato Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxa uu booqday furimaha ay Gobolka Sh/dhexe kaga sugan yihiin Ciidamo ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaal ka tirsan Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka dalka ka socda eek a dhanka ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca shacabka kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu hormuud u yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxamuud.

Safarka dhiiragelinta CXD iyo dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee uu Duqa Muqdisho ku gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay tusaale u tahay in qof waliba ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa Dagaalka ka dhanka ah kooxda , iyadoona horey uu Maamulka Gobolka Banaadir taageero dhinac weliba leh uu la garab taagnaa CXD iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this