Sign in to follow this  
Deeq A.

Sare Kac Laga Dareemayo Qiimaha Cambaha Suuqyada Magaalada Muqdisho+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa sare u kac xooggan laga daremayaa qiimaha lagu kala iibsado suuqyada magaalada Muqdisho qudaarta loo yaqaano Cambaha, kaas oo qeyb weyn uga jira kuwa loogu isticmaalka badan yahay.

Camabaha ayaa ka mid ah qudaarta waqyiyada qaar soo go’a aadna nuucyo kalae duwan loogu isticmaalo, si gaar ah  cunista iyo cabitaan ahaan, wuxuuna aad uga baxaa dalkeena iyo meelo kale.

Cambaha ayaana ku jiraa miraha  ugu caafimaadka badan ee la cuno marka laga hadlaayo Qudaarta, waxaana xilligaan uu gaaray qiimihii ugu sareeyey ee abid lagu kala iibsado halka xabo ee Cambaha ah ayaa gaaray $2.

Mid kamid ah ganacsatada suuqa qudaarta ee Suuqa Xamarweyne oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in ay ugu wacan tahay in laga baxay xilligiisa “Cambaha Waxuu leeyahay xilli uu soo go’o sanad weliba waqtigaan oo kle waa xilli dabeyleed taas ayaana sabab u ah in loo waayo cambaha ama uu sare u kaco “ ayuu yiri.

Sidookle ganacsadaha oo hadalkiisa sii wato Waxaa uu Goobjoog uu sheegay in qiimaha Cambaha uu ahaa 0.5 dollar, halka hadda uu joogo xabaddii cambaha ah qiima dhan 2$ “Waxaa yaraaday dadka iibsanaya cambaha maadaama uu aad u qaaliyoobay dadku wax ay gadanayaan qudaarta kle sida isbaandheyska” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale ganacsadaha ayaa sheegay in suuqa qudaarta kaliya uusan ka qaaliyoobin Cabaha oo kaliya, laakiin ay jiraan nuucyo kale oo qudaar ah oo sare u kac laga dareemayo “Camabaha kaliya qiimihiisa isma baddalin sidookle suuqyada qaar ayaa laga waayay ganacsatadana waa ay ku adkaatay in ay keenaan” ayuu yiri.

Sanadkasta xiligan oo kale ayaa camabaha laga waayaa suuqyada magaalada Muqdisho iyadoo sidooklana uu sare u kac ku yimaado qiimaha la kala soosto, waxaana ugu wacan in xilligaan jiilaalka aysan inuu Cambuhu yahay mid qiimihiisa uu aad u hooseeyo,  waxaa sidoo kale jira in qudaarta qaar ay sare u kac uu ka jiro.

WhatsApp-Image-2023-09-18-at-18.29.53-2. WhatsApp-Image-2023-09-18-at-18.29.53-1. WhatsApp-Image-2023-09-18-at-18.29.53.jp

W/Q/ Shukri Cumar Yuusuf

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this