Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Hadlay Suuqa Gubtay ee Wajaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Hadlay Suuqa Gubtay ee Wajaale
IMG-20230918-WA0002-300x225.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd ayaa ganacsatada Wajaale ka tacsiyadeeyay dabka waxyeellada u geystay hantidii qoyasas badan oo Somaliland ka soo kala jeeda.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca madaxda kale ee Wasaaradda iyo dhamaan magaca Shaqaale-weynaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL waxa aan Alle SWT u weydiinayaa dhamaan dadweynaha magaalo-ganacsiyeedda Tog-wajaale in uu naxariistiisa kaga bakhtiiyo cadawgaas dabka ah ee caawa ka kacay suuqa weyn ee degmadda Tog-Wajaale.

Sidoo kale waxa aan tacsi u dirayaa cid walba oo waxyeelo ama khasaare naf iyo maalba ah uu u gaystay dabkaasi, waxa aan leeyahay Rabi SWT ha idiinku bedelo cawil khayr qaba.

Ugu dambeyn, Waxa aan usoo jeedinayaa dhamaan bahda caafimaadka, booyadaha biyaha iyo cidwalba oo gacan ka geysan kartaa inay ugu gurmadaan sida ugu dhakhsaha badan.”Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd Maxamed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this