Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay Camaara

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka-1-scaled.jpeg?fit=256

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa goordhoweyd si buuxda ula wareegay gacanta ku haynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Qabashada Camaara ayaa waxaa hadda u xaqiijiyay warbaahinta dowladda, wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in magaalada si buuxda loola wareegay kadib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen

Camaara oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa waxay wararka sheegayaan inay iskaga carareen dagaal-yahaanadii ku sugnaa kadib markii ay ka warheleen howl-galka culus ee kusoo wajahan iyo baaxadda ciidanka isgarabsanaya.

Qabashada Camaara ayaa imaneysa maalin un kadib markii ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay kooxda ka xoreeyeen magaalada Bacaadweyn iyo deegaanka Qeycad oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo sanado badan ka talineysay kooxda.

Kooxaha Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Si kastaba, Qabashada Bacaadweyn iyo Camaara ayaa xilligaan waxay wax weyn uga dhigan tahay gulufka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda iskaga saarayaan argagixisada.

The post Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay Camaara appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this