Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695042823163.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ciribtirka argagixisada ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada sifeynta Khawaarijta iyo sigidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this